Maxaad Kala Socotaa Ceebtan Mareykanka Gilgishay

-

Daraasad dhawaan la sameeyey ayaa shaaca ka qaaday barnaamij olole dadka looga dhigaayo ma dhaleysi oo laga sameeyey gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka, barnaamijka ayaana beegsaday dadka madowga ah.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Ololaha dadka madowga looga dhigaayo ma dhaleysi, ma ahan mid hadda bilowday, barnaamijkani ayaa la sameeyey intii u dhaxeysay 1929 ilaa 1974, daraasadda ayaana ololahaasi ku sifeysay “xasuuq”.

Daraasadda ayaa sheegtay in dad ku dhaw 7600 oo qofood ay galeen camaliyad qaliin ah oo dadka ma dhaleysi looga dhigaayo, barnaamijkaasi oo loo huwiyey magaca “adeegga dadweynaha” ayaa lagu tilmaami jiray in danta laga leeyahay ay aheyd dhalmada oo laga joojiyo dad loogu yeeray “kuwa caqliga yar”.

Sidoo Kale Aqri..Qaladka Ugu Weyn ee Uu Galo Qofk Mareykanka Ku Nool

Inta ugu badan qaliimadii la sameeyey waxa ay ahaayeen “qasab”, dumarkii howlgalkaasi dhibbanaha u noqday ayaana loogu marmarsiyoon jiray in aysan u qalmin in ay hooyo noqdaan.

Daraasaddan oo ay baahiyeen saxaafadda faransiiska ayaa ciwaan looga dhigay “Dib u eegis, siyaasadda dhaqaale ee Mareykanka (American Review of Political Economy) , waxaana la sheegay kaliya intii u dhaxeysay 1958-1968 in la sameeyey 2100 qaliin oo noocan ah.

Cilmi-baaristan ayaa ku eedeysay gobolka North Carolina in ay is hortaag ku sameeyey xoriyadda qofka u leeyahay in uu dhalo, gaar ahaan arintu waxa ay u diideysay dadka madowga ah xaquuqda ay u lahaayeen in ay dhalaan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...