Maxaad Kala Socotaa Hubkan Cusub ee Xamaas Isticmaashay

La Wadaag Asxaabtaada

Garabka “kataa’ib Al qasaam” ayaa baahiyey sawirada ay qaaday drone-ta cusub ee “Zouari” iyada oo kor ka sawireysa goobo israa’iil ay ku sugan tahay.


XAQIIQO NEWS- MUUQAALO

Muuqaalkan cusub waxaa baahiyey garabka milatariga ee xamaas kuwaasi oo loo yaqaan “kataa’ib al qasaam”., waxaana markii ugu horeysay lagu arkaay drone cusub oo loogu magac daray “Zouari

Muuqaalka oo ay qaaday diyaaradda drone-ta ah ee ” Zouari” ayaa soo bandhigaya goobo xasaasi ah, oo yahuudd leedahay, taasi oo gacan ka geysanaya xadididda goobaha la beegsanaayo.

Diyaaradda “Zouari” ayaa loogu magac daray Mohamed Zouari oo ah Injineer reer Tuunis ah kaasi oo qeyb libaax leh ka qaatay barnaamijka horumarinta drones-ka ee Xamaas .

Mohamed Al zwaari ayaa gaadmo ladu dilay xilli uu ku sugnaa Tuunis sanadkii 2015, ninkani ayaa xilligaasi lagu eedeeyey in mas’uul ka ahaa horumarinta barnaamijka drones-ka ee Xamaas.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada