Waxaa xabsiga loo taxaabay wasiirkii maaliyadda Qadar ka dib markii lagu eedeeyey in uu lunsaday lacago.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
Dacwad oogaha guud ee Qadar ayaa furay kiiska eedeymaha ee la xariira wax isbadaba marinta lagu eedeeyey Ali Sharif al-Emadi oo ah wasiirkii maaliyadda ee Qada- sida lagu qoray bayaan ay soo daabacday hay’adda wararka u baahisa Qadar.
al-Emadi oo hadda loo heysto lunsashada lacago farabadan, ayaa ka mid ah dadka ugu hantida badan waddanka yar ee gacanka carabta dhaca, waxa uu soo ahaa wasiirkii maaliyadda e dalkaasi tan iyo 2013-kii
Dalka Qadar aya alagu sheegaa in uu yahay mid ka mid ah dalalka ugu hodansan adduunka, waxaana lagu wadaa in uu martegkiyo Koobka adduunka ee soo socda.
Qadar ayaa gashay kaalinta 30’aad liiska musuqmaasuqa,iyada oo u dhaxeysay wadamada Bahamas iyo Spain oo ku kala jira kaalinta 29 iyo tan 31’aad.