Maxaadan Ogeyn oo ka socda Magaalooyinka Baladweyne,Balcad iyo Jowhar

-

Wararka ka imanaya qaar kamid ah magaalooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in ay socdaan qabanqaabada banaanbaxyo lagu taageerayo dowlad goboleedka Hirshabelle loogagana soo horjeedo dowlada federalka Soomaaliya.
Magaalooyinka Jowhar,Beledweyne iyo Balcad ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ka dhacaan banaanbaxyadan iyadoo xiriirka u dhexeeya dowlad goboleedka Hirshabelle iyo dowlada federalka uusan wanaagsanayn.
Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in banaanbaxydan ay yihiin kuwo lagu muujinayo dareenka shacabka Hirshabeelle ee ay ku aadan taageerada ay u hayaan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo sida ay u diidan yihiin in lagu xadgudbo xuquuqdooda.
Wasaarada duulista hawada ee dowlada federalka ayaa dhowaan ka joojisay diyaarado qaad geynayay magaalada Jowhar in ay ka degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar iyadoo qaadkaasna uu ahaa mid dhinaca dhulka ah lagu geynayay caasimada dalka ee Muqdisho.
Ganacsatada qaadka iyo dowlada federalka ayaa isku khilaafay canshuur laga qaadayay qaadka taasoo ugu dambeyntii ay ganacsatadu heshiis la gaareen dowlad goboleedka Hirshabeelle. Hase yeeshee ganacsatada qaadka iyo dowlada ayaa ka heshiiyay khilaafkii dhex yiil iyadoo dib ay u bilaabeen ganacsatada inay isticmaalaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble ayaa dhowaan sheegay in la doonayo in cunoqabatayn la saaro Hirshabeelle balse aysan ka oggolaan doonin cunoqabatayntaas.
“Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, Waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble dhowaan xilli uu ka soo laabtay safar uu ku tegey magaalada Buulobure ee gobolka Hiiraan.
Hase yeeshee,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...