In uu shirak jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ka sakow, Khubadda deynta Cafinta ee Kheyre ayaa dhan kale xambaarsaneyd fariin dadban.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Df-ka Soomaaliya ayaa u dabaal degtay soo noqoashada xiriirkii toosnaa ee dowladda ay la aheyd hay’adaha dhaqaalaha aduunka.
Xasan Cali Kheyre oo khudabadiisa ku bilaabatay isaga oo ka soo dagaya jaranjarada xafiiska ayaa miiska masraxa ka hor aqriyey warqad dheer oo ciwaankeedu ahaa “dey cafinta Soomaaliya”.
Kheyre ayaa isaga oo dhoola cadeynaya yiri “Waxaan soo dhaweyneynaa go’aankii bankiga aduunka ee ahaa in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii deyn cafinta”.
Fikradda Soomaali Weyn iyo Khudbadda Kheyre

Intii uu kheyre akhrinaayey warqadda deyn -cafinta waxaa dhabarkiisa dambe yiilay ilaa 5 calan oo ah calanka baluugga Soomaaliya.taasi oo loo fasiran karo in ay xambaarsantahay fariin dadban.