Dagaalkii sokeeye ee Itoobiya ayaa galay wajigiisa labaad, dowladda Itoobiya ayaa caawin ka dalbatay dowladda Ruushka iyo wadamada saaxibada la ah Aby Ahmed.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay in maleeshiyaadka Tigreyga ay sii wadaan duulaanka. Amxaarada iyo Tigreyga ayaa hadda ku dagaalamaya dhulka ay daganyihiin qowmiyadaha laga tirada badan yahay.
Dagaalkii u dambeeyey waxa uu ka dhacay magaalada Raya ee ay daganyihiin qomiyadda Raya, goobtaasi oo ka madax banaan gobolka Tigreey.
Sidoo Kale Aqri: Su’aal iyo Jawaab..Dagaalka Sokeeye Ee Itoobiya Ka Bilowday
Itoobiya Oo Isku Badali Karta Rwandadii- labaad!
Magaalada Adisababa gudaheeda waxaa aad u batay erayada naceyba ee loo muujiyo Tigreyga, sidoo kale caga jugleynta ayaa kor u kacday – sida uu qoray webseetka allafrica.
Dadka asalkooda Tigreyga ah banaanka ugama bixi karaan dhismayaasha, qaar ka mid ah dadka ayaana isku diyaarinaya in ay barakacaan.
Dhanka kale gobolada Waqooyi ee Itoobiya Tigreyga ayaa isku sii balaarinaya waxaana cabsi badan ay soo wajahday qowmiyadda Amxaarada oo iyagu DF-ka taageero ka helaya.
Hay’daha QM ayaa ka digaya xasuuq iyo gaajo ka dilaacda dalka ugu weyn dunida dalalka dhulka xiran, xilli dagaalka uu u muuqdo mid sii baahaya.