Xildhibaaan Mahad Salaad oo ka hadlay khilaafka madaxda ee salka ku haaya cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil ayaa sheegay in kiiksa Ikraan uu ka weyn yahay sida loo maleynaayo.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Mahad Salaad ayaa ku eedeeyey Farmaajo in u jeedkiisa khilaafka uu ka leeyahay ay tahay oo kaliya baabi’inta kiiska Tahliil, iyo badbaadinta Fahad Yaasiin oo ku eedeysan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Mahad Salaad ayaa dhan kale carrab dhabay jiritaanka xogo iyo warar hoose oo sida uu sheegay hadii ay run noqdaan ceeb ku noqonaya dowladnimada, dhaqanka suuban ee islaamka iyo qaranimada Soomaaliya.
Khilaaf xoog leh ayaa u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo, waxaana doodda ugu adag ay ka taagan tahay xil ka qaadista Fahad Yaasiin oo horay qaraabada Ikraan ay uga direen liiska eedeysanayaasha loo heysto afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax.