Xalay saqdii dhexe ayay ciidamo watay diyaarado dagaal iyo gaadiid gaashaaman waxay weerar ku qaadeen deegaanka Jilyaale oo dhaca halka ay iska galaan labada shabeelle balse maamul ahaan raacsan shabeellaha dhexe.
Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah ciidamada Bangaraafta loo yaqaan ayaa ku degay tuulada Jilyaale waxayna weerar ku qaadeen Machad ay wax ku baranayeen carruurta Reer Barsame oo katirsan Beesha Gaaljecel.
Toogashada ay geysteen ciidamada huwanta ah waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 carruur ah iyo seddex kamid ah macallimiinta Machadka halka ay qafaasheen carruur kale oo wax ka baranayay Machadka.