WARARKAMaxaadan Ogeyn Oo Ku Suubsan Murankii Badda?

Maxaadan Ogeyn Oo Ku Suubsan Murankii Badda?

-

Dowladda Kenya ayaa war cusub ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya, kaas oo ay haatan dacwaddiisu hortaallo maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Kenya ayaa dalbatay in dhageysiga kiiska Badda labada dal laga saaro garsoore Cabdi Qawi Axmed Yuusuf oo ah madaxweynaha ICJ, sidoo kalena ah Soomaali.

David Matsanga oo ah guddoomiyaha hay’ad la magac baxday PAF, islamarkaana sheegata inay u doodo arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika ayaa tilmaamay in Kenya ay dooneyso in dhageysiga kiiska Badda laga reebo garsoore Cabdi Qawi.

Sidoo kale Aqriso:Muranka-badda-somalia-iyo-kenya-oo-ku-kala-nastay-3-iyo-0-waa-tan-faafaahinta

Hay’addan oo ay hoggaamiyaan koox Kenyaan ah ayaa sheegtay in Madaxweynaha maxkamadda ICJ uusan si dhex dhexaad ah u geli karin kiiskan, islamarkaana niyaddiisu ay la jirto Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigtay.Valueimpression Placeholder

Sidoo kale waxa ay hay’addu ku eedeysay Cabdi Qawi in marar badan uu fagaare ka sheegay sida uu jecelyahay oo ah in Soomaaliya ay guuleysato..

Ugu dambeyn David Matsanga ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in aysan ka qeyb gelin dhegeysiga kiiskan, islamarkaana ay banaanka ka joogto.

9-ka illaa 13-ka bishan September ayaa lagu wadaa in ICJ ay dib u bilowdo dhageysiga dacwadda Badda, waxaana dooda ku horreyn doonto Soomaaliya.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...