Maxaadan Ogeyn oo maanta Muqdisho Ka dhacay#aqriso War deg deg ah

War deg deg ah oo haatan ka soo dhacaya Muqdisho ayaa sheegaya in la dilay mid kamid ah odayaashii soo xulay barlamaanka Soomaaliya.
Sayid Cali Xuseen Abti-doon oo kamid ahaa ergadii soo xushay barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dilay xaafada Albaraka ee degmadda Hodan.
Dilkan waxaa geystay kooxo hubeysan kuwaas oo si deg deg ah goobta uga baxsaday, waxaana hataan halkaas gaaray ciidamada dowladda oo howlgallo wada.
“Odayga la dilay waxaa uu ahaa Sayid Cali oo kamid ahaa odayaashii barlamaanka kusoo xushay Cadaado, kooxdii dilka geysatana waa baxsadeen”ayuu yiri qof goobjooge ah.
Dilalka loo geysanayo Ergadii soo xushay barlamaanka iyo saraakiisha dowladda ayaa kusii kordhaya magaaladda Muqdisho.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA