Maxaadan Ogeyn Oo Shiinuhu Dunida Ku Soo Kordhiyey Dhawaan?

La Wadaag Asxaabtaada

Injineero Shiineys ah ayaa dhawaan soo ikhtiraacay matoor kacaani ah kaasi oo ku dhaqaaqi kra xawaare aan caadi aheyn, waxaa la leeyahay waxa uu ku gaari meel walbo oo dunida ka mid ah muddo laba saac oo kaliya.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Sida laga soo xigtay jariidada Shiineysa ah ee ” “scmp”, injineerada Shiineyska waxa ay matoor diyaaradeedkani u nashqadeeyeen xawaare gaari kara 16 mach-(taasi oo ka dhigan in 16 jibbaar uu ka dheereeyo xawaaraha codka ).

Ilaha warkan laga soo xigtay waxa ay xaqiijiyeen in matoorkani uu ku shaqeyn karo diyaaradaha ka baxa jawiga dhulka.

Sidoo kale Aqri: Daawo..Shiinaha Oo 3 Todobaad Gudahood ku Sameeyey Markaab Diyaaraha Xambaara

Matoorkani ayaa awood u leh in uu ka baxo jawiga dhulka, diyaaradda isticmaaleysa matoorkan ayaana awood u yeelan doonta in ay ku soo laabato wareegga jawiga dhulka iyada oona awoodi karto in ay si xasilooni ah uga soo dagto dhulka.

Waxqabadyada aan caadiga aheyn ee matoorkan ayaa ku khasabtay khubarada in ay ugu yeeraan horumarkani “kacaankii matoorada”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada