Ka dib markii uu galay qaliin saacado qaadatay madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak ayaa ku geeriyooday da’da 91 sano.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Qeybtan hoose ka akhriso taariikh nololeedkii Mubaarak oo kooban.
4-ta bisha May sanadkii 1928-kii Xusni Mubaarak ayaa ku dhashay gobolka Menofia ee dhaca Delta Niil.
1950-kii waxa uu ku biiray kuliyadda ciidanka cirka ee Masar.
1972-kii waxa uu noqday hogaamiyaha guud ee ciidanka cirka Masar.
April 1975-kii waxaa loo magacaabay Madaxweyna ku xigeenka Masarka
1978-kii waxa uu noqday ku xigeenkii hogaamiyaha xisbigii dimuqaraadiga ee xilligaasi talada haayey,waxaana dalka xilligaasi madaxweyne ka ahaa Anwar saadaad.
1981-kii waxa uu qabtay jagada ugu sareysa Masar isaga oo noqday Madaxweynaha Masar ka dib markii gaadmo lagu dilay Anwar Sadaat.
11 Febraayo 2011-ka waxaa uu lagu qasbay in uu xilka iskaga dago ka dib kacdoono shacbi ah oo isaga ka dhan ahaa.
2 juun 2012 Maxkmad ayaa ku xakuntay xabsi 25 sano ah isaga oo lagu eedeeyey in uu mas’uul ka ahaa dilka 859 dibad baxayaal ahaa.
Maarso 2017 Mubaarak aya laga bari yeelay eeddii dilka banaan-baxayaasha waana la sii daayey.
25 Febaraao 2020 xusni mubaarak ayaa ku dhintay isbitaal milatari oo ku yaalla Qaahira.