Maxaan U Nahay dad Dambeeya Farsamo ahaan ! #Doqomo Miyan Nahay ?

-

Aadanaha oo dhan waa dad fariid ! waxaana jira Caqliyad hal abuurnimo oo ku dhax jirta qof walbo oo nool, xitaa dadka aan u maleyno in ay yihiin dad ka dhacay noolasha oo nafootooda aan waxba u tari karin, hase ahaate maxaa  labada qof(kan horumaray iyo kan saaqidka ah) kala duwa ? hadiiba asalka caqliga uu isku mid yahay !  waa arinka uu ku saabsanyahay mowduuceena maanta.

Marka aan is weydiino su,aasha ciwaanka ee ah : Maxaan u nahay dad dambeeya farsamo ahaan? waxaan filayaa in aad ila fahantay in aan ka wado soomalida, inkastoo qadiyadda dib dhaca ay tahay mushkilad heysata guud ahaan Carabta iyo afrikaanta oo labaduba aan ku abtirsano.

Ma waxaa jira arin Sir ah oo dib u dhacan oo dhan ka mas,uul ah? abuuristeena miyaa ah dib dhaca mid caawineysa? mise waa wax noo qoran in aan noolaano, ka dibna aan dhimano annaga oo wili ku dhax jirna nolol ay ka buuxaan qalalaaso, siyaasadeed, mid dhaqaale iyo kuwa qabyaaladeed ? kaliyana aan oo noolasheena ku soo koobno in aan maalin kasta aan daawano dunida oo marba gaareysa horumar aqoon iyo mid tiknoolajiyadeed?

Waxey ila tahay in ay adagtahay su,aalahan oo dhan in laga jawaabo xitaa hadii qabriga laga soo saaro culimadii iyo faylsuufyadii dunida oo dhan soo maray, sidaa oo kale ma iga sugeysid in aan ku sheego guud ahaan waxyaabaha sababi karo, balse ii olgow in aan ra,yikeyga ku soo koobo ilaa seddex qodob oo aan aniga aaminsanahay in ay sababtay dib u dhaceena annaga ka soomaali ahaan marka meel la iska dhiggo dadyoga kale.

-Warbaahin Lunsan

Waxaa jira tobneeyo Tv oo af-soomaali ku hadla, iyo ugu yaraan boqolaal Idaacadood oo maqal ah, intaasi oo ay dheertahay kumaan Website-yo,  hase yeeshee tiradaasi warbaahineed kum arkeysid mid u gaar ah waxbarashada marka laga soo tago hal ama labo.

Maxey kula tahay markii wiilka mukhtarica  soomaaliga ah uu horfadhiisto TV ama Idaacad ka dibna uu daawado barnaamijyo isku mid ah oo dhamaantood ku saabsan fan iyo suugaan, xayiisiin iyo waliba warar isku mid ah oo dhamaantood baahinya , qabiil shiray, dagaal dhacay iyo siyaasiin is mucaaradsan.

Ma jiro (hadii aad ogtahayna qeybta hoose noogu soo sheeg commenti ahaan) xitaa hal Tv oo quseeya Cilmiga una gaar ah horumarka iyo in uu dhiirigeliyo Mukhtariciinta.

-Waxbarasho Been ah

Xagga waaxbarashada tayada macalinka soomaaliga waa mid dhantaalan, taasi oo ay u sii dheertahay manhajka ay wax ku bartaan caruurta soomaalida oo ah mid laga soo qaaday dowlado aan horumarsaneen, ama uu yahay manhajkii la isticmaali sideedtameeyada qarnigii tagay oo lagu soo qoray waraaqo cusub.

Arinta kale ee uu qaladka ugu weyn uu ka jiro ayaa ah in waxbarashada aan u aragno oo kaliya kalimado la xifdiyo si loogu buuxiyo warqadaha imtixaanka, si taasi loogu gudbo waa in waxbarashadu ay noqoto mid waaqici ah oo aan ku dabaqi karno noolasheena maalinlaha ah.

-Ganacsato Jaahil ah

Mid ka mid ah waxyaabaha hoos u dhigga wax soo saarka bulshada iyo in dadka ay iloowaan  hibadooda waxaa ka mid ah, ganacsatadeena oo xoolahooda ku qarash gareeya soo dejinta alaabaha dibadda laga keenay.

Waxey nala tahay hadii lacagteena aan ku  qarash kareyno in gudaha aan wax ka soo saarno in ay tahay khasaaaro, arintani oo iyadan biyahii dhoobo ku sii dareyso.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...