Maxaan Ugu Maleeyey In Soomaaliya Burburi Rabto!

-

Waxaan heysanaa labo go’aan midkood: in aan dalka burburino ama in aan dalka badbaadina, adiga midkee taageereysaa? fadlan jawaabta ha la soo boodin adiga oo aan qormada dhameystiranin.


XAQIIQO NEWS- FIKRADAHA

Heshiiskii decale ayaa lugu kala booday, doorashada waxaa ka taagan khilaafkii ugu cuslaa taariikhda Soomaaliya ee la isku khilaafo doorasho tan iyo intii ay sameysantay jamhuuirayada Fedaraalka Soomaaliya, dalka waxaa ka jira cudurka Covid-19 kaasi oo si maalinle dad ugu dhintaan dalka gudahiisa.

Sidoo Kale Aqri: Waa Kan Hogaamiyaha Kaliya ee Soomaaliya Badbaadin Kara

Intaas aan soo sheegnay waxa ay qatar ku haayaaan dalka Soomaaliya, laakiinse waxaa jira labo arimood oo aysan jira cid si hufan kaga hadasho kuwaasi oo waddanka kaga halis badan waxyaabaha aan xusnay, waa mushkiladda faragelinta shisheeya, iyo fikradda xukunka boobka iyo kalitalisnimada.

Shakhsiyan waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay u baahan tahay dad ka fikir ka duwan mucaaradka iyo muxaafadka, hadii labada qolo midkood aad taageero u tahay waxa aad qeyb ka tahay buburka dalka, halkan sabab darteed.

Labo Daran Mid Dooro: Taageeranimada hadda Soomaaliya ka jirta(dhinaca ay doonto ha noqotee), waa in aad taageero u noqotaa 1 diktaytor ama 13 diktayor, waa in aad taageero u noqotaa xukun maroorsi ama faragelin shisheeya(xitaa hadii aadan adiga ogeyn).

Dadka Farmaajo ilmo nabi u heysta waxan leeyahay waxaa la joogaa waqtigii aad joojin laheyd taageerada kalitalisnimada,murti ayaa tiraahdo “Khiyaanada ugu weyn ee kugu dhacda ja filanin dadka cadowgaada ah, badanaa khiyaanadaas waxa ay kaga timaadaa saaxibka aad u ku kalsoontahay”

Dadka kale ee 13-kan nin ka dhaadhacsayihiin kuwaasi oo u heysta sida in ay yihiin SYL-shii labaad waxaan leeyahay waxaa la joogaa waqtigii aad ogaan laheydeen macnaha dhabta ah ee way wadato maahmaahda Soomaaliyeed ee “gud ka guur qanja u guur”.

Warka ugu xun waxa uu yahay: dadka intooda badan waxa ay u heystaan in qasab tahay kala xulashada mucaarad iyo muxaafad oo kaliya,fariinta ugu dambeysa ee aan saaxibada qaaliga ah la wadaagaya waxa ay tahay asxaabeey waa in aan xoojinaa fikrad dalkeena lagu badbaadiyo, fikrad aan aheyn midda ay nagala doorasiinayaan siyaasiyiinta. Hadii Farmaajo mucaarad ku nahay waa in aysan Fajiitayaasha naga faa’ideysan.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...