Intii ugu dambeysay ka mid ma aheyn taagerayaasha “khudbadaha Farmaajo” , sababtoo ah waxaan ka mid ahay dadka Farmaajo uusan uga talagalin in ay dhageystaan khubadiisa..Sabatana waan idinla wadaagayaa.
XAQIIQO NEWS- FIKRDAHA
Inta aan gudaha u gelin qoraalkeyga waxa aan ku siinayaa macluumad dagdag ah oo ku saabsan khudbaha Farmaajo. Hadalada Farmaajo badanaa waxaa loogu tala galay in ay dhegeystaaan labo nooc oo dad ah: taageerayaashiisa (kuwaasi oo xumaantiisa iyo wanaagiisba ku taageera, iyo mucaaradkiisa (kuwaasi oo wanaagiisa iyo xumaantiisa ka soo horjeeda).
Qalbiga ayaan ka hdlayaa Xitaa markii aan qoraayo qoraalkan Farmaajo ku saabsan waan hamaansanayaa sababtoo ah tamar badan uma haayo mowduucan. Khudbadihii hore daqiiqado kooban waan dhageystay laakiin khubaddii u dambeysay ee xalay xitaa hal eray kama dhageysan waana tan sababta.
Waxa Uu Isticmaalaa Luuqad Guud: Inta badan Farmaajo marka uu hadlaayo waxa uu isticmaalaa “annaga” badalkii uu adeegsan alahaa aniga, waan ogahay in uu Madaxweyne yahay hase ahaatee ma ogtahay waqtiyadii u dambeeyey khilaafyada ka taagnaa madaxtooyada, ma ogatahay in dadku sugayaan in ay dhageystaan aragtidiisa balse mar walbo oo uu hadlo (sidii khubadihii hore aan dhageystay) waxa uu u hadlaa si guud taasi oo macnaha ka tireysa hadalkiisa.
Inkastoo aanan dhageysan khubadiisa xalay laakiin waxaan qiyaasayaa in ku soo daray “shacabka Soomaaliyeed”, Farmaajo waa dhaqankiisa xitaa hadii uu doonaayo in uu la hadlo xaaskiisa iyo caruurtiisa waa uu adeegsadaa “Shacabka Soomaaliyeed”.
Khubadaha Farmaajo ee “dul marka ah”marna kuma guuleysan in ay dareenkeyga soo jeediyaan waana taa sababta aan xalay iskaga hurday iyada oo dadka qaar ay sugayaan khubad “taariikhi ah” ,waa sida madaxtooyada jeceshahay in lagu tilmaamo.
Farmaajo iyo kim Jong Un: Waa run dadka jeediya khudbaha waa weyn waxa ay sii calaamdeystaan nuqdaha muhiimka ah ee hadalkooda quseeya, laakiin hab jeedinta Farmaajo waa ay ka duwan tahay waxa uuna eray eray u soo qortaa hadalkiisa, waxa uu dadka soo hor isaataaga sida asiga oo aqrinaya qoraal, u fiirso luuqadda jirkiisa had iyo jeer waxa uu ku jiraa feejignaan,sida qof diidaya in ay wax ka qaldmaan.
Farmaajo waxa uu ku dadaalaa in uu noqdo “qof dhameystiran”, waana sababta cagsikeeda uu qaladkiisa u bato.
Waxaan soo xasuustay muuqaal aan Yuutuubka ka daawaday oo ka hadlaayey “Kuuriya Waqooyi iyo Kim Jong Un” qofka tacqliiqa aqrinaayey waxa uu sheegay in markii uu tagay K. Waqooyi uu arkay dowladdaasi in ay xoogga saarto in wax walbo ay noqdaan kuwa dhameystiran xitaa gudaha Kuuriya Waqooyi lagama ogola in sawir laga qaado dhismo qabyo ah!
Farmaajo waxa uu leeyahay sifooyinka ka mid ah kuwa Kim Jogn Un,Inkastoo hogaamiyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Soomaaliya ay jecelyiin in ay u muuqdaan kuwa dhammeysitran balse dowladaha ay hogaamiyaan waxa ay ka mid yihiin dowladaha ugu faqrisan caalamka.
Khudabadah Farmaajo waxa ay dhadhan yeelan lahaayeen hadii uu meel iska dhigi lahaa warqadaha islmarkaana uu noo jeedin lahaa khudbad ka hadleysa fikirkiis,qalbikiiga iyo xaaladda dhabta ah ee tagan.