Maxamed cabdulaahi Farmaajo”annigu dagaal ma iclaamin laakin waxan sheegay in xaalad dagaal dalka ku jiro”

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Khudbad uu ka jeediyey wasaaradda gaashaandhigga oo lagu xusayay maalinta ciidanka “Xoogga Dalka” ayuu madaxweynaha DF-ka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay in uusan iclaamin dagaal balse uu shaaciyey kaliya in xaalad dagaal la gudagalay.

Madaxweynaha ayaa todobaadkii la soo dhaafay ka soo hor muuqaday qalabka warbaahinta isagoo ku labisan dareeska Military-ga, Wuxuuna ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab.

Muddo 60 Cisho ah ayuu sidoo kale u qabtay dagaalyahanada Al-Shabaab si ay isku soo dhiibaan.
Laakiin Khudbadiisii shalay wuxuu ku sheegay in uusan iclaamin dagaal ka dhan ah Al-Shabaab balse uu shaaciyey kaliya in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, Islamarkaana uusan muddo 60 cisho ah u qaban Xarakada Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay in ay wadahadal la furto Shabaab, Haddii ay wadalka diidaana ay la dagaalami doonaan.

Dad badan ayaa arrintan ku tilmaamay dib u garasho xeeladeysan oo uu sameeyey madaxweynaha ka dib markii uu ku deg-degay in uu ku dhawaaqo dagaal aan loo diyaargaroobin, Ayna Xarakada Al-Shabaab qaadday weeraro ka hortag ah oo jawaab u ahaa dagaalka uu ku dhawaaqay Farmaajo.
arakada Al-Shabaab ayaa silsilado weeraro ah oo jawaab celin u ahaa duulaanka uu ku dhawaaqay madaxweynaha ka fuliyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaas oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Mid ka mid ah weeraradaas oo ahaa weerar is qarxin ah, waxaana lagu beegsaday Kolonyo ciidan oo uu la socday Taliyaha ciidanka DF, General Cirfiid kaas oo caafimaadkiisa illaa hadda mugdi la gelinayo.

Maalinka dib weerarkaasna Ruux xirnaa dareeska ciidanka oo miineysnaa ayaa isku qarxiyey Xero ciidan oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 25 ruux oo isugu jiray Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Military-ga.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay magacyada 14 sarkaal oo ay sheegtay in lagu dilay weerarka, kuwaas oo uu ku jiray Taliyihii xerada iyo mas’uulkii tababarada Badri Sheykh Aadan.

Dad badan oo ay ku jiraan Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo mas’uuliyiin ka tirsan DF ayaa weeraradaas ku tilmaamay cuqubadda ka dhalatay dagaalkii aan loo tabaabusheysan ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha, waxayna qaarkood sheegeen in madaxweynaha uu ku fududaaday arrinkaas.

Lama oga in madaxweynaha uu ka noqoshada dagaalkan uu iclaamiyey kala shuureeyey la taliyeyaashii Ammaanka iyo in garowsaday qaladaadkiisa oo uu aqbalay dhaliilihii kaga imaanayey khubarada iyo siyaasiyiinta.

Inkastoo hadda madaxweynaha uu ka laabtay dagaalkii uu ku dhawaaqay hadana lama oga talaabada xigta ee uu qaadi doono, balse khudbadiisii shaley wuxuu Xarakada Al-Shabaab u qabtay muddo laba sano ah.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...