Dad isticmaala baraha bulshada ayaa baahiyey sawirka Suleeqo Saciid Deni oo ah gabar uu dhalay Madaxweynaha Puntland ee waqtigan arintaasi oo keentay Falcelin badan.
XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA
Suleeqo Saciid Deni oo ah gabadha ugu weyn ee Deni dhalay, ayaa bilowgii Agoosto ka soo muuqatay xafladda 1-da Agoosto ee loogu dabaal dagaayey sanad guuradii 23,aad ee ka soo wareegtay maamulka Puntland.

Sidoo Kale Aqri: Maxaa Ka Jira In Saciid Deni Uu Hoteel Raaxo Ku Iibsaday 21 Milyan!
Deni Iyo Qoyskiisa
Saciid Deni oo madaxweyne ka ah Puntland ayaaa lagu eedeeyaa in uu la dagay dhaqaalaha iyo sumcadii Puntland, islamarkaana Puntland uu ka dhigay mid ay ku dheefaan qoyska madaxweynaha oo kaliya, halka shacabka Puntland ay ka cabanayaan dhaqaalo xumo iyo lacagihii shilinga ahaa oo aan shaqeyneynin.
Sanadkii tagay dad isticmaala baraha bulshaday ayaa baahiyey xogta gabar uu abti yahay Saciid Deni, taasi oo lacag uu siiyey Deni kaga iibsatay guri qaali ah dalka Mareykanka.