Maxay Al-Shabaab Xilligan U Daneynayaan Somaliland?

Idaacadda Alshabaab ee Al-furqaan ayaa Sameysay barnaamij soconaya wax ka badan 35 daqiiqo, barnaamijkaasi oo ay ciwaan uga dhigeen “Fasahaadka Somaliland”.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Barnaamijka Alshabaab ayaa lagu soo bandhigay Hoteelo tiradooda ay gaareyso ilaa lix Hoteel -oo sida ay idaacadu sheegtay- ka mid ah goobo lagu baahiyo “dhaqan xumada”.

Barnaamijka waxaa lagu xusay goobo ay dhiseen dad ay idaacadu ku tilmaamtay “qandaraaslayaal” laga soo fangareeyo ururo diimeed dibadda ah.

Al-furqaan ayaa ku eedeysay maamulka Somaliland in uu culeys saaray masaajidyada halka hoteelada ay camirnaayeen xilli uu aad u jiray cudurka Karoona Fayrus.

Guriga Libaaxyada

Wariyaha caanka ah ee idaacadda Al-Furqaan Cabdi Fataax Filibiin ayaa xusay goob uu ku tilmaamay “meesha ugu dhaqan xun Hargeysa”.

“Guriga Libaaxyada” ayey ku sifeeyeen goobta ugu dhaqan xun, waxa ayna sheegeen lahaanshaha milkiyadda goobtaasi in uu leeyahay Cali Waran Cadde oo ah la taliyaha Madaxweynaha.

Sidoo Kale Aqri..Al-Shabaab Oo Waji Kale u Yeelay Qaraxii Elite Hotel

Goobaha kale ee sida gaar ah loo xusay waxaa ka mid ah Hoteelka Cali Jirde oo sida ay sheegeen ay gacanta ku heyso Aamino Jirde, oo ah haweeneyda u dhaxda Maxmuud Siilaanyo madaxweynihii hore ee Somaliland

Dhinaca Kale Barnaamijka ayaa soo qaatay kiisas dacwooyin ah oo la xiriira canjalado galmo ah (s*x tape) oo laga duubay hablo reer Hargeysa, sidii dhacdaadi ninkii Jarmalka ahaa, iyo kiis dhacay sanadkani gudahiisa oo la geeyey Maxkamadda Hargeysa.

Barnaamijka Alshabaab ayaa canjaladaha galmooyinka ee lagu duubo Hargeysa ku eedeeyey ajaanibta gaar ahaan iyaga xusay xabashida (Oramada).

Al-shabaab iyo Somaliland

Al-shabaab ayaa badanaa weeraro ku qaada Hoteelo ku yaalla Xeebta Liido halkaasi oo sida ay ku doodaan uu ka jiro “Fasahaad”, laakiin doodda ku saabsan Hargeysa ayaa noqoneysa mid cusub taasi oo suuragal ka dhigeysa isbadal cusub oo ku aadan mowqifka Alshabaab ee Somaliland.

Sida ay aaminsanyihiin falanqeeyaasha siyaasadda Barnaamijkani waa mid aan la dhayalsan karin, sababtoo ah Alshabaab ma ahan urur loogu bartay hadal oo kaliya waa urur ficil, barnaamijkooda in ay ku xusaan “fasahaad ka jira Somaliland-sida ay hadalka u dhigeen- waxa ay tilmaan ka bixineysaa suurtagalnimada weerarada Al-shabaab ee ciwaankoodu yahay “suulinta fasahaadka”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA