Maxay Dhiig La’aan Uga Cabanayaan Cirbixiyeenada?

-

Daraasad cilmiyeed ayaa shaaca ka qaaday in joogitaanka waqtiga dheer ee hawada sare ay waxyeelo u geysato unugyada cas ee dhiigga.


XAQIIQO NEWS- SAYNIS

Sida lagu daabacay joornaalka Neyjar Medisiin “Nature Medicine”, in waqti dheer lagu qaato hawada sare waxa ay burburisaa unugyada cas ee dhiigga taasi oo dhiig la’aan ku sababta cirbixiyeenada.

Sida ku xusan cilmi baarista, unugyada cas ee dhiigga ee dadka hawada sare ku sugan waxa ay wajahahaan burbur 54% ka badan marka ay dhulka joogaan.

GUy Trudel, oo ka tirsan cilmi baarayaasha ka socday Jaamacadda Otowa ee Kanada waxa uu leeyahay “marar badan ayey cirbixiyeenada la yaabanaayeen dhiig la’aanta ku dhacda markii ay soo laabtaan, arintaasna waa qarsooneyd, waxaan ogaanay in uu ku dhaco burbur unugyada dhiigooda , xitaa markii ay dhulka u soo noqdaan”.

Cilmi baaristan ayaa la baahiyey ka dib baaritaan socday lix bilood oo lagu sameeyey cirbixiyeeno gaaraya 14, kuwaasi oo baaris lagu sameeyey intii ay joogeen boosteejada caalamiga ah ee hawada sare, sidoo kale baarisyo ayaa lagu sameeyey markii ay dhulka ku soo laabteen.

13 ka mid ah cirbixiyeenada ayaa dhiig la’aan lagu arkay ka dib markii ay dhulka ku soo noqdeen.

Saynisyahanada ayaa aaminsanaa daahiradda caanka ah ee loo yaqaan “dhiig yarada hawada sare” laakiin waxa ay rumeysan yihiin in qofka dhiiggiisa uu caadi ku soo noqonaaya afar bil kadib marka uu dhulka ku soo noqda.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...