Maxay Ka Dhigantahay Kenya in Ay Burburiso xeryihii Mariineeska ee J/Hoose?

La Wadaag Asxaabtaada

Ciidanka Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo dooman ayaa burburiyey xarumo dhowr ah oo ay lahaayeen ciidanka mariineeska ee dowladiii dhexe ee Soomaaliya.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo si toos ah dhacdadan taageerayaashiisa kula wadaagay boggiisa Facebook, ayaa sheegay in dhacdadani ay iska kaashadeen ciidanka Kenya iyo kuwa raaskambooni ee Axmed Madoobe ka amar qaata-sida uu hadalka u dhigay.

Goobaha sida gaarka ah ciidankani u bartilmaameedsadeen waxaa ka mid ah dhismihii “lighthouse-ka” ee ilaaha xeebaha Soomaaliya u isticmaali jireen in lagu hago doomaha iyo maraakiibta badda ku jirta, ee ku yiilay jubbada hoose.

Goobaha kale ee la burburiyey waxaa ka mid ah xeradii mariineeska raaskaambooni ee ciidankii Soomaaliya.

Muranka Badda iyo Burburinta Mariineeska

Burburinta astaamihii ciidanka Badda ee Soomaaliya, waxa ay ku soo aadeysaa iyada oo waqti yar un, ay ka harsantahay, dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

khubarada ayaa aaminsan, burburinta uu wadan burburiyo goobaha taariikhiga ee waddan kale in ay ka dhigantahay “Dambiyo dagaal”.

Kenya ayaa dhawaan warqad ay qortay ku codsatay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda iyado oo ku dooday “karoona faryus” hase yeeshee Wasiirka ku xigeenka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa arintaasi gaashaanka u daruuray.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada