Hadii aadan daneyn karin naftaada, suurtagal ma ahan in aad daneysid “dadka kale”, waa halka ay Soomalidu tiraahdo “tiisa daneeyaa tu kale ku dara”.
XAQIIQO NEWS- ISBAR-HORUMARINTA NAFTA
Daneystanimada waxa ay leedahay dhinac xun oo ah marka aad isku daydid in aad dadka kale ka faa’ideysatid, daneystinimada noocaas ah waxa ay ku bilaabataa xaasidnimo, naceyb,jahli waxaana dhici kartaa in marka dambe ay u xuub siibato dagaal toos ah.
Daneystinimada loo baahan yahay ma ahan taas aan soo sheegnay, waxaa loo baahan yahay in aad noqoto daneyste toosan.
Waligaa qof ma ku dhahday “haye” adiga oo ka cabsanaya in lagu tilmaamo daneyste iwm, xaaladahan oo kale waa marka ay ku anfaci laheyd barashada dhanka fiican ee “daneystanimada”.
Naftaada Tix Geli
Ma maqashay horta “lax walbaa meesha ay is dhigta ayaa lagu qalaa”, sharaxaada ahaan macnaheedu waxa uu noqonayaa “hadii aadan adiga is tixgelinin cid ku tixgelineysaa ma jirto”.
Sidee Loo Noqdaa Daneyste Fiican?
- -ma u baahnid codsi walbaa in aad fuliso
- ka warqab ballamada iyo heshiisyada aad sameyneysid
- naftaada waqti la qaado
- daneey caafimaadkaada
- ogow adiga waxa aad xakumi kartaa waxaa aad dhihi laheyd ee ma xakumi kartid waxa ay dad kale dhahayaan.
- isbar