Maxay Raggu Been u Sheegaan..Dumarkana U Ooyaan!

-

Falanqeyn badan, buugaag tijaabooyin iyo filimaan badan ayaa laga sameeyey si jawaabo loogu helo su’aasha ah “maxay ragga iyo dumarka had iyo jeer ugu kala jeedaan bari iyo koonfur?


Xaqiiqonews-Horumarinta-Nafta

dooda, isfahan la’aanta iyo is jiijiidka ka dhaxeeya labada jinsi waa mid wali taagan, xitaa qarnigan 21aad,, wili doodu waxa ay mareysaa sidii Aadan iyo Xaawo.

Falanqeyn badan, buugaag tijaabooyin iyo filimaan badan ayaa laga sameeyey si jawaabo loogu helo su’aasha ah “maxay ragga iyo dumarka had iyo jeer ugu kala jeedaan bari iyo koonfur?

Buug ciwaankiisu ahaa “maxay raggu been u sheegaan? dumarkana u ooyaan? iyo kuwo la mid ah ayaa qoraal ka sameeyey falsafadda kala duwanaashaha ragga iyo dumarka, iyadoo laga fiirinaayo dhinacyo badan.

Dumarka hal nin oo ay bartaan ayaa ku filan si ay ragga oo dhan u bartaan, hase ahaate raggu dumar badan oo ay bartaan wey adagtahay in ay mid ka fahmaan

murti

Dumarka Waa Naag

Wax ay ila tahay kalmadda “Naag” waa kalmad asalkeed yahay Af-ingiriisi taasi oo u qoranta ingiriis ahaan “Nag”. una dhawaaqeysa “naag” ereygaasi ayaa loo isticmaala qofka jecel in uu qof kale ku qasbo wax uusan rabin.

Qoraagga buuga “maxay ragga been u sheegaan dumarkana u ooyaan? waxa uu aaminsanyahay in dumarka ay sameeyaan falkan “naagnimada ah” si ay raggooda ugu qasbaan in ay u hogaansamaan, taas macnaheedu ma ahan in ay dhibka jecelyihiin ama dhibka ku raaxeystaan laakin waxa ay badanaa ku dhagan yihiin xeerka ah “maslaxadaada maqaar eey ayaa loogu seexdaa”.

Markasta oo ay sii badato “naagnimada dumarka” waxaa ay ka sii fogataa dadka kale, natiijada ka dhalata waxa ay noqotaa un kala sii fogaansho iyo dhinaca kale uu sameeyo difaac, kolkaasi oo ay ragga xanaaqaan, been sheegaan iyaga oo isku daboolaya bustaha “difaacu nafsi”.

Dumarka Ma Oohin Badnee Laakiin Raggaa Oohinta Ku Yartahay

Dr. Vingerhoets  waxa uu leeyahay “Hoormoonka labka ee testosterone ayaa door ku leh oohinta, kaasi oo xayira islamarkaana caburiya oohinta, dhaqtarkan ayaa leh “dumarka oohintooda ma badnee ragga ayey oohintu ku yartahay”.

Marka laga soo tago farqiga Bayoolijeedka , waa arin cilmi ahaan la ogyahay in dumarka qiyaastii 5 jibaar ay ka oohin badan yihiin ragga, haddaba maxay sababtu?

Dumarka siyaabo, iyo sababo kala duwan ayey u ooyaan, laakin marka ay gabadhu ku ooyso ninka hortiisa raggu isma celin karaan.

Si kasta uu u xanaaqsanyahay marka ninka uu hortaagan yahay afaafka hore ee illinta, ninkan ugu adag xitaa wuu dhalaalayaa,ragguna mar walbo waa ay ku jabaan weerarka ka imaada “dareeraha ilinta”.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...