Maxay Tahay Guutada Elite Ee Farmaajo Dhisi Rabo?

Fikradda dhisidda ciidamo gaar ah “elite special forces”, waxaa farmaajo ku dhiirigeliyey Madaxweynaha Yugaandha Yuweri Mussaveni, oo dalkaasi xakumaayey tan 1986-kii


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Aqoon noocee ah ayaad u leedahay guriga ummadda Yugaandha kaasi oo ku yaalla magaalada Entebbe ?

Sheekada ayaa ku bilaabaneysa markii Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Yugaandha Yuweri Musaveni bishii Nofeembar 2018, kulan ayaa ka dhacaya magaalada Entebbe, kolkaasi oo labada madaxweyne ay si hoose iskula faqeen xaaladda ka jirta gobolka guud ahaan gaar ahaan tan Soomaaliya, xasuuso sanadkaasi waa markii seddexda dal ee Itoobiya Eriteriya iyo Soomaaliya ay saxiixdeen heshiish loogu magac daray “iskaashi”.

Mowduuc Ka Duwan Kan Alshabaab

Musaveni ayaa kulan ka dib tuwiterka ku soo qoray in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay in xaalka Soomaaliya uu soo hagaagayo, hase yeeshee ay jiraan caqabado uu ku tilmaamay “kuwa yar” kuwaasi oo uu ku sheegay in yihiin “fikrad kala duwanaashaha qabiilka” iyo warbaahinta dhanka xun wax ka fiirisa.

Khubarada ayaa aaminsan in kulankaasi uu Farmaajo xasuus qorkiisa ku soo xardhay fikradda dhisidda ciidamo gaar ah si loo gudbo caqabadaha lagu tilmaamay “kuwa yar”.

Sidoo Kale Aqri..waa-kuwee-guutada-gaarka-ah-ee-qaabilsan-soo-qabashada-axmed-madoobe?

Haramacad iyo Gorgor ma yihiin guutada”elite”?

“Waxa aan aaminsanahay in Gogor iyo Harmacad ay ka saacidi karaan Farmaajo in uu awood sheegto” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka police-ka, oo intaasi ku daray “qofkii lacag na siiya waan u dhimaneynaa”.

Ma jirta cid noo xaqiijisay in gorgor iyo harmacad ay yihiin ciidanka gaarka ah ee farmaajo, hase ahaatee hadii aanan xaqiijin karin kama dhigno in aysan aheyn ciidan gaar ah oo leh awood sare, isla markaana ka amar qaata Madaxweyne farmaajo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA