Sanad guurrada 78-aad ee asaaska booliska Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa dadka ka soo qeybgaly waxaa ku jiray madaxweynaha mudda xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo halkaasi ka jeediyey khudbad.
XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS
WARKA: khubaddii Farmaajo iyo Mursal ay ka jeediyeen iyo warqaddii ka dambeysay ee xafiiska Farmaajo ka soo baxday ayaa markale kicisay mowjad khilaaf ah.
DHAMMAADKIISA: Intii uu jeedinaayey khudbaddiisa uu ka hor jeediyey xuska 78,aad ee asaaska booliska Farmaajo afkiisa waxa uu u muuqday qaleyl waxa uuna la halgamaayey in uu helo qoyaan si uu hadalkiisa u sii wato, waana arinta keeneysa in afka si buuxdo ukala furo.

Sida uu qoraayo Webseetka Ameerikaanka ee Mayo Clinic af qaleylka waxaa uu lambar kow u yahay dhibaatooyin caafimaad oo qofka heysta, sida sokowrowga (macaanka), sidoo kale af qaleylka ayaa calaamad u noqon kara caabuqyada afka ku dhaca ama cudur maskaxeedka caanka ah ee Asaasaqa ( Alzheimer’s disease)
Dhinaca kale dadka isticmaala baraha bulshada ayaa su’aal iska weydiiyey badqabka maskaxeed ee Farmaajo ka dib markii khudbadiisa uu ku amaanay shaqada ra’iisal wasaare Rooble balse saacado ka dib uu soo saaray warqad uu ku eedeynaayo ra’iisal wasaaraha xil gudasho la’aan.