Cabsi xoog leh ayey siyaasiyiintu ka muujinayaan qorsha laga baqaayo in nidaamka Farmaajo uu ku dhaqaaqo maalinta xuska ciidanka ee 12-ka April.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Nuur Maxamed oo la hadlay idaacadda Shabeelle ayaa sheegay in dalka ay ku soo wajahantahay “khatar weyn”.
Cabdullaahi ma uusan xusin nooca khatarka la filaayo, hase ahaate waxa uu yiri “hadda ma doonaayo in aan faafaahinteeda galo laakiin waxa aan idin xaqiijinayaa in aan aaminsanahay in dalka Soomaaliya ay ku soo wajahan yihiin khataro aad u balaaraan oo hadii aysan dhicin saacadaha soo socda dhici karaa maalmo gudahood”.
Hadalka wasiirka waxa uu yimid waqti xasaasi ah oo khilaafkii doorashada uu ku darsamay khilaaf dibloomaasiyadeed ka dib markii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu dalka ka eryey wakiilkii midowga Afrika ee Soomaaliya Madeera.
Siyaasiyiinka iyo musharixiin mucaarad ah ayaa horay u bixiyey digniin ku aadan isku dayo madaxweynihii waqtigiisa dhammaaday Farmaajo uu ku doonaayo in uu afgambi milatari xakunka ku qabsado 12-ka April oo ah maalinka xuska ciidanka xoogga.