Maxaysan Muhiim U Aheyn In Safaarad Laga Dhiso Mareykan?

La Wadaag Asxaabtaada

Wax xasaasiyad ah kama qabo safaaradda Cusub ee Soomaaliya ka dhisatay Mareykanka, waana ku faanayaa Xiriirka diblumaasiyadeed ee Df-ka, Waxaanse jeclahay in arinta aan dhinac kale ka fiiriyo, aan biloowno.


Xaqiiqonews-ISbar-Horumarinta Nafta

Adiga ma xakumi kartid qofkii ku jeclaan lahaa, adiga ma xakuntid qofka si dabacsan kula hadli lahaa,adiga ma xakuntid qofka ku taageeri lahaa, guud ahaanba annagu shuqul ma ku lihin waxa uu dareemaayo qofka kale, kaliya annagu waxa aan maamuli karnaa nafsateena, sidaa darteed arinka kaliya muhiimka ah waxa uu yahay in aan xoogga saarno waxa aan annagu dareemeyno ee waxba noogama galin waxa ay dareemayaan dadka kale.

Muhiimadda Sheekadeenu ma ahan in aan ka hadalno “Dhismaha Safaaradda Soomaaliya Ka Iibsatay Mareykanka, badalkeeda waxa aan rabaa in aan ka hadlo fikrad laga yaabo in ay aaminsanyihiin dad badan taasi oo ah Soomaaliya oo saafarad ka iibsatay Mareykanka Weyn, haa Mareykanka Weyn!.

Sidoo Kale Aqri:Carabtu Maxay Jannadu Ku Dhax Sameyn, Gaaladuse Maxey Naaru Ku Sameyn!

Mareykanka waxa laga yaabaa in uu Weynyahay ama in uusan sidaasi aheynba,arinkaasi kama hadleyno hadda, waxaase muhiim ah mar walbo in aan ognahay “Qofka in uu kaa duwanyahay macnaheedu ma ahan in uu kaa sareeyo ama kaa hooseeyo”

Marka Aan Soomaaliya Joogno waxa aan sameysanay “Cudur daaro” fara badan si nafteena aan ugu qancino in aan u baahanahay aqoonsiga dadka kale, tusaale siyaasiga waxa uu ku doodayaa “Dalkan dagaalo ayaa naafeeyey waxa uu baahanyahay gacan qabasho” ama mid kale ayaaba la soo taagan “Dowladaha waa weyn waa na dayaceen”, hadalada noocani ah waxa ay dadka qaar u arki karaa kuwa waaqici ah, laakin aniga shakhsi ahaan xaq ayaan u leeyahay in aan ku tilmaamo “Cudur daaro wahmi ah”.

Ha Ii arkin Khalad, Soo Xasuuso Murtida Soomaaliyeed ee Dhaheysa “Aduunyada waa harga labadiisa galin” mararka qaarna waxaa laga yaabaa in aad adiga noqoto dhibbane, taasi macnaheedu ma ahan in aad ka hooseyso dadka kale, xaaladahan oo kale waa in aan mar walbo qalbiyadeena ku xafidnaa ” Noolasheena innaga eyey na quseysaa ee ma quseyso dadka kale”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada