Maxaysan U Jirin Cid U Oysay Kumanaanka Rayaan Ee Soomaaliya Jooga !

-

Dhacdada Rayaan ee Ceelka waxa ay aheyd dhacdo mudan murugo iyo ooyin, balse waa in aan xisaabta ku darsano malaayiinta Rayaan Ee Ku dhibaatoonaya daafaha dunida oo ay ugu horeysa Soomaaliya.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Dad Soomaali ah oo isticmaala baraha bulshada ayaa is weydiiyey sababta Soomaalida aysan dareen ugu muujinin kumanaanka caruur ee siyaabo foolxun,baahi iyo macluul dartood ugu dhimanaya Soomaaliya.

Waxaana baraha bulshada lagu baahiyey sawirrada caruur Soomaali ah oo siyaabo kala duwan oo fuulxun loogu dilay gudaha Soomaaliya, waxaana ka mid ah gabar inta la dilay hilibkeeda oo la jarjaray digsi lagu riday.

Sawirka bidix waa gabadha la dilay, halka sawirka midig uu yahay digsi uu ku jiro hilibka gabadha oo lajarjaray

Dadka qaarkood oo ka hadlay arinta ayaa xaaladda taagan ku qeexay in Soomaaliya ay naxariisteeda u dhoofisay wadamada dibadda, halka gudahan ay ka taagan tahay xaalad loo baroor diiqo.

Tusaale ahaan bishan Febaraayo Hay’adaha QM waxa ay baahiyeen ku dhawaad hal milyan oo caruur Soomaali ah in ay wajahayaan “macluul kadis ah” taasi oo ka dhigan in aysan caruurtaasi heysan wax ay cunaan.

Caruurta Soomaaliya waxa ay dhibaatada dabiiciga ah la wadagaan caruurta dunida, waxa ay baahida iyo macluusha la wadagaan caruurta Yemen, duqeynta dhimashada leh iyo dhaawacyada ay sababaan bambooyinka cirka laga soo tuura waxa ay la wadagaan caruuta Suuriya.

Halkani waa xaafad ka mid ah Boorama halkaasi oo afar caruur oo isla dhalatay ay ku gubteen sawirka waxaa barta faysbuuga la soo giliyey 5-ta febaraayo 2022
Sawirka canug Soomaali oo ay nafaqo darro ku hesyo tuulaada burdaxoor ee ka tirsan Soomaali galbeed sawirka waxaa boggiisa faysbuug soo giliyey wariye Cabdi risaaq catoosh 31 bishii Janaayo 2022
W3.CSS

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Caruur ku Dhaawcmay Duqeymo Mareykanka Fuliyey Shabeelaha Hoose bishii may 2020

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...