In la burburiyo iiraan waxa ay ka dhigantahay dowladda xigta ee la weerari doona waa Turkiga, Su,aasha muhiimka ahse waxa ay tahay Maxaa ka dhalan kara?
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
In la burburiya labada dowladood ee Iiraan iyo Turkiga waxa ay ka dhigan tahay fowda iyo isku dhax yaac ka dhax dhaca bariga dhexe taasi oo albaabada naarta ku fureysa dadka Bariga dhexe gaar ahaan Muslimiinta.
Burburinta Iiraan ka dib bariga dhexe ayaa isku badali kara garoon ay iskaga ciyaaran wadamada galbeedka.
Xisbulaah iyo Xamaas
Kooxaha Islaamiyiinta ee Xisbulaah iyo Xamaas ayaa waji doono xaalado adag, taasi oo Israa’iil siin doonto kaar xor ah, Yahuudda ayaana dareemi kara Culeys adag in uu ka dhacay.
Dadka ka faalooda Arimaha siyaasadda Bariga dhexe ayaa ku tilmaamay in la difaaco Iiraan in ay tahay “Waajib xadaaradeed” taasi oo aan caawineynin oo kaliya nidaamka hadda jira, balse difaaca ayaa ka dhigan badbaadinta Jiritaanka taariikheed iyo mustaqbal ee dadka reer Faaris.
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Ciraaq Nuuri Al Maalaki ayaa yiri “Iiraan oo la weerara waa weerar lagu qaaday qeyb ka mid ah umadda Islaamka”