Wesbite-ka Somalimemo oo aad u xiiseya Arimaha alshabaab ayaa todobaadkan dhaxdiisa baahiyey labo dhacda oo isku nooc ah kuwaasi oo ku saabsanaa diyaarado drones ah oo ku dhacay somalia gaar ahaan Jubada hoose.
Diyaaradda koowaad ayaa ku soo dhacday deegaanka beerxaani oo ka tirsan Jubada hoose, mana jiran wax intaasi ka baxsan oo laga sheegay dhacdadan, marka laga reebo in Website-ka uu sheegay in dagaalyahano alshabaab ah ay qaateen buburka Drone-ka.
Markale ayaa waxaa maanta la baahiyey in Diyaarad drone ah ay ku soo dhacday isla goob aan ka fogeyn goobtii hore, waxaana diyaaradan labaad ay ku soo dhacday inta u dhaxeysa Beerxaani iyo Kismaayo, waxaana sidoo kale buburkii qaatay ciidamo ka tirsan alshabaab.
Labada dhacdaba ma jirin Cid sheegtay nooca diyaaradda iyo hadii ay sitay hub ama hadii ay ku xirnaayeen kaamirooyinka Wax duuba.
Mareynkan ayaa ah dowladda ugu badan ee leh diyaaradaha drones-ka ee isticmaala hawada soomaaliya, balse dhankooda ilaa hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay.
Maxaa Sababay burburka Diyaaradahan
Burburkan diyaaradahan waxa ay ka mid noqonayaan in ka badan 900 oo diyaaradood drone ah oo uu mareykanka leeyahay kuwaasi oo ku buburay dunida oo dhan , meelaha ugu badan ee ay ku dul burbureen waxaa lagu sheegay Afghanistan, Pakistan,Iraq iyo somalia. ma jirto cid si dhab ah u sheegi karto balse waxaa jiro ilaa dhowr sabab oo laga yaabo in ay keento burburka, waxaan ka mid ah:
_Awoodooda oo yar si ay ugu hortagaan cilladaha: diyaaradaha raqiiska ah ee mareykanka u isticmaalo basaaska, kuwaasi oo ku kacaya wax ka yar $300, kuma xirna qalabka sheegaya hadii ay cilad jirto “anti-collision systems” sidoo kale kaamirooyinka iyo sensors-ka ay ku qalabeysanyihiin diyaaradahan ma buuxin karaan indhihii,dhagahii, iyo sankii qofka caadiga ah isticmaali lahaa si uu u ogaado cilada Jirta.
_Toogasho: diyaaradaha mareykanka ee soo dhaca qaarkood waxaa laga yaabaa in la soo toogtay balse tani ma ahan mid badan, ilaa hadda ma jirto diyaarad la soo riday oo mareykanka uu leeyahay gudaha soomaaliya balse waa suurtagal mar waliba.
_Cilad makaaniko oo jirta: inta uga badan diyaaradaha Mareykanka waxaa loo sameeyey qaab howlgal dag dag ah in ay galaan, mana lahan “Back up safety”, sidoo kale malahan tijaabooyin badan oo la soo mariyey, isla markiiba la sameyey diyaaradda waxaa loo soo diray howlgal, tani waxaa laga yaabaa in ay qeyb ka tahay wax badiya burburka diyaaradda.