Maxey Ka Dhigantahay Riyada Xilliga Hurdada ?

-

Waa arin hadda iyo jeer madaxa ka wareerisa culimada saynisak iyo culimada nafta-“Maxaan u riyoonaa!?Maxaa keena riyada? annaga ma xakameyn karnaa riyada? Maxey ka dhigan yihiin riyooyinka?

Xaqiiqonews.com-Caafimaad

Riyooyinka Waa Sheekooyin iyo  Sawirro kuwaasi oo ku sameysma maskaxdeena marka aan hurdeyno, waxa ayna noqon karaan kuwo madadaalo ah, kuwa dagaal leh, iyo marmarka qaar kuwo cabsi leh.

   Qof Walbo Wuu Riyoodaa

Baarayaasha ayaa waxa ay soo ogaadeen in dadka ay riyoodaan habeen walbo, qiyaastii 5 daqiiqo ilaa 20 daqiiqo oo ka mid ah hurdada habeenkii.

Marka la raaco cilmi baarista kore, qofka  caadiga waxa  uu riyo ku qaatay muddo dhan 6 sano oo xariir ah.

   Waad  Hilmaamtay inta ugu Badan Riyooyinkaada

Cilmi baaris ciwaan loogu dhigay   “Maxey u adagtahay in aan soo xasuusano riyooyinka”  ayaa lagu sheegay in 95%  riyooyinkeena aan ilowna isla marka aan soo kacnaba.

   Waa Suuragal in aad xakameyn Karto Riyadaada

“Riyada Cad”  waa nooc riyooyinka ah ka mid ah adigoo ka warqaba in aad riyooneysa,  xitaa inta aad hurdeysa waad ogtahay in aad riyooneysa.

Qiyaastii Kala bar dadka, waxa ay xasuusan karaana ugu yaraan hal mar oo ay riyoodeen “Riyada Cad”, halka dadka qaarkiis ayba caado u tahay “Riyada cad”

Waxaa laga yaabaa in aad is weydiiso su,aashan “Hadii aad ku dhax dhimato riyo, nolasha caadiga ahna ma ku dhimaneysaa !?

Waxaa Mahad leh Alle, Jawaabta caadiga ah  waa…Maya…  hadiise ay dhacda qof sidaasi ay ku dhacday wey adagtahay in ay ogaadaan dadka caadiga ah maxaa yeelay..qofkii arinka sheegi lahaaba wuu dhintay.

   Riyooyinka Midibka Leh Iyo Kuwa Mugdig ah

Inkastoo dadka ugu badan ay riyoodaan riyooyinka midib leh(Wax walbo lugu arki karo midibkooda) blase waxaa jira dad yar oo  riyooda ay tahay madow iyo cadaan(black and white).

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...