Maxey Tahay Sababta Keentay Burburkii Diyaarad Itoobiyan Airline? XOG CULUS

-

Buburka ku yimid diyaaradda Itoobiyan Airline oo ku jirtay duulimaad ku wajahnaa Nayroobi ayaa noqonaya  burburkii labaad oo noociisa ah oo dhacay muddo afar bilood gudahood ah.

Xaqiiqonews-Farsamada

Website-ka “Flightrader 24” oo wax ka qora arimaha safarada cirka ayaa faafiyey sababta ugu weyn ee loo maleynaayo in ay keentay burburka Diyaaradda Itoobiyan Airline.

Sida xaqiiqonews ay  soo tarjuntay diyaaradda oo nooceedu ahaa “”Boeing 737 800 Max”  ayaa waxaa ay u burburtay cilad la xariirta “Duulis Xawaare ah” oo ay dooneysay diyaaraddu in ay hawada ku gasho, arintaasi oo keentay gebi ahaanba in ay dhintaan  157 qof oo saarneyd diyaaradda.

Marka la tixraaco  Macluumaadka “Flightrader 24” ciladda ayaa ka timid xagga duuliyaasha diyaaradda, waxaase jira xogag intaasi ka badan oo ay tahay in la ogaado.

Farsamada Boeing: afar bilood ka hor diyaarad kale oo farsamadeeda ay leedahay shirkadda Boeing ayaa ku burburtay Indonesiya, diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 737 Max 8 ” oo ay laheyd shirkadda Lyon Air ayaa sababtay dhimashada 188 qof.

Rachayo Otomo oo Indonesiya u qaablisan guddiga qaranka ee badqabka gaadiidka cirka ayaa  sheegay in diyaaraddii Indonesiya ku burbtay, ka hor labo maalin intii ay burburin in ay la kulantay cilado la xariira badhanka qaabilsan “Duulinta iyo Xawaawreynta diyaaradda.

Marka aad isku fiiriso burburka  labada diyaaradood oo labaduba ka mid ah diyaaradaha ay sameyso shirkadda Boeing ee Mareykanka, waxaa soo baxaya su,aalo dhowr ah oo la iska weydiin karo badqabka diyaaradahan jiilka afaarad  ee ay sameyso shikradda Boeing.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...