Macaanto….. Xaajiyo….. Islaanteydii.. wee ereyo ay isticmaalaan rag badan marka ay u yeerayaan xaasaskooda, ilaa heer loo maleeyaba in magacyadani ay ka wanaagsanyihiin magacyadii rasmiga ahaa ee dumarka.
Yeeristan noocan ah ayaa caan noqotay, ilaa dumarka qaar ay soo cawodeen,halka hoose ka aqriso sheekooyin arimahaasi quseeya oo laga soo aruuriyey bulshooyinka carabta, malaha soomaalidana waa ku dhaqan.
-Magaceygi Ayaan Halmaamay
Maha, oo ah macalimad xisaab ka dhigta iskuul gaar loo leeyahay, ayaa tiri: “Labaatan sano oo ninkeyga aan is qabnay, magacayga iiguma yeerin, marwalba wuxuu iigu yeeri jiray” gabar. ” Waxay xusuusataa in markii ugu horraysay ee ay maqashay magaceeda ay ahayd wakhtigii guurka. “wuxuu ninkeyga igu yiri, Hambalyo, Maha, hase ahaatee maalmahaa ayaa iigu danbeysay in aan magaceyga maqlo”.
-Ma Maqlin
Umm Axmed oo ah haweeney ayaa sheegtay in ninkeeda oo 25 sano ay is qabeen aysan ka maqlin waligeed magaceeda balse badalkeeda waxa uu ugu yeeraa”Xurmah” ama “Xaajiyo” , inta badan marka uu u yeeraao waa ay iska dhaga tirtaa waxa ayna dhahdaa kuma maqlin iyadoo ku marmarsiyoota in aysan maqlin isago oo ugu yeeraayo magaceeda.
-Magacyda kuwa ugu fiican
Ayat ayaa iyadana fikirkeeda dhiibtay”Waxaan isguursanay muddo laga joogo toban sanno, waxaan magacayga ka maqlay saddex jeer oo aheyd bilawgii guurkeena,, laakiin markay carruurtoodu bilaabeen inay koraan,” ayuu bilaabay in uu iigu yeero Uma heblaayo … waxaana is dhihi karaa waa magacyada kuwa ugu fiicnaa ee iigu yeero marka uu ilmaheyda igu lamaaneeyo.
-Wuxuu iigu yeeraa Magaceyga
fikir ka duwan kuwa aan kor ku soo xusnay waxaa aaminsan Dima, waxa ayna leedahay “waxaa uu iigu yeeraa Macaanta..Xilwa… laakin marka uu dhib jiro, ama uu xanaaqsanyahay waxaa iigu yeeraa magaceyga rasmiga”.