Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka duulay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Dalka Ethiopia.
Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Xubno la socda labada Gole ee dowladda waxaana lagu wadaa in ay Gaaraan Magaalada Adis-Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia iyagoo madaxda Ethiopia kala Soo hadli doona Arimaha Soomaaliya.
Masuuliyiinta raacday Madaxweynaha ayaa warbaahinta u sheegay in Booqosho Rasmi ah ku joogi doonaan dalka Ethiopia Mudo hal maalin ah kadib Casuumaad ay ka heleyn Dalkaasi.