Meeqa Maalin Ayuu Qofka Biyo La’aan Noolaan Karaa?

Biyaha waa qeyb muhiim ah oo ka tirsan noolasha, qofka waa in uu si maalinle ah u cabaa qiyaas biyo ah, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo isku dheeli tirnaanta jirka.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Biyahu waxa ay ka yihiin 70% jirka qofka weyn, halka caruurtana jirkooda uu ka sameysanyahay 75% biyo.

Yaa Muhiimsan Cunto Mise Biyo?

Sida laga soo xigtay webseeka “Eat This” qofka ma noolaan karo biyo la’aan waqti dheer, hase ahaatee dadku waa ay ku kala kadisan yihiin baahida biyaha.

Sidoo Kale Aqri..Yaa Ku Fiican Cabitaanka Biyaha Kulul mise Kuwa Qabow?

Kala duwanaashaha ayaa ku xiran deegaanka qofka ku noolyahay, da’da, jinsiga qofka, caafimaadkiisa iyo waliba cuntada uu cuno.

Daraasad ayaa tilmaamtay in jirka uusan noolaan karin wax ka badan 8 ilaa 21 maalmood biyo la’aan”

Daraasad ayaa sheegtay in biyuhu ka muhiimsan yihiin cuntada, sababtoo ah dadka cuntada ka sooma, ee ku ekaada oo kaliya biya cabista waxa u suurtagashay in ay noolaan dhowr bilood.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA