Soomaaliya sanadaha soo socda shidaal ayey la soo baxeysaa, shaqo ayaa abuurmeysa, dhaqaalahana wuu kordhayaa ayuu yiri Ibraahin Cali Xuseen oo ah gudoomiyaha gudi dhawaan loo magacaabay “shidaalka Soomaaliya”.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Ibraahin Cali Xuseen ayaa u sheegay warbaahinta in ay jiraan shirkado badan oo qarash diyaar la ah sidii loo soo saari laha shidaalka Soomaaliya.
Ibraahin Cali Xuseen ayaa yiri “shaki malahan Soomaaliya shidaal ayaa ka buuxo” isaga oo sii raaciyey “intan ka badan wax ma sugi karno”.
Ibraahin Xudeen oo horay u soo ahaa la taliyaha xagga dhaqaalaha ee wasaaradda macdanta iyo shidaalka ee dalka, ayaa hogaamin doono muddo ku siman 4 sano guddi dhawaan Df-ka u mgacaawday arimaha shidaalka.
Xuseen oo wareysi siiyey webseetka The Africa report ayaa sadaaliyey in ay qaadan karto 6 sano ama 7 sano sahminta shidaalka ku jira badda, xilligaasi wixii ka dambeeyo oo la filaayo in ay bilaabato shidaal soo saarista.