Meeqaa U Harsan Farmaajo..4 Maalin Mise 4 Sano?

-

Mushkiladda Soomaaliya ay hadda wajaheysa waxaa lagu soo koobi karaa oo kaliya laba kalmadoood oo ah “8 Febaraayo”. haddaba annaga oo niyadda ku heyna xogaha suuqa yaalla iyo khibradii hore ee madaxda soomaaliya looga bartay maxaynu filan karnaa 8 Febraayo ka dib?


XAQIIQO NEWS- FIKRADAHA

Uma baahnin in aan faafaahin ka bixino filimka dukumenteriga ee ciwaankiisu yahay “heshiiska Samareeb”, kaasi oo uu soo saare ka yahay yahay James Swan.

Horay ayaan u daawaday filimka, waxa uuna xambarsan yahay oo kaliya halkan macluumaad, kaasi oo ah: waxaa lagu heshiinayaa in lagu heshiiyo wixii heshiiskii hore lagu heshiiyey, taasi oo sharxeysa waxa ka soo bixi kara shirka madaama horay loo ogaa natiijada heshiiskii hore.

Bal aan isku dayno..in aan u boodno su’aasha qiimaheedu boqolka geelka ah uu ku kacaayo : Hadii sida ay wax u socdaan ku dhamaadaan maxaa filan karnaa 8 Febraayo ka dib?

Khiyaaraatka La Filan Karo.

Waan ogahay Farmaajo waxa uu sii ahaan karaa Madaxweynaha Soomaliya Labo xaaladood midood hadii ay dhacdo:.

Hadii Barlamaanku Waqti Kororsi Siiyaan: Farmaajo waxa uu doonayaa in uu kulan la qaato Barlamaanka inta aan la gaarin 8 feb, hadii uu kulankaasi Farmaajo dalbado Muddo kordhin Barlamaankan ay ansixiyeen waxa uu sii ahaan karaa Madaxweyne 8 Feb ka dib.

8 Feb in la gaaro oo aan la helin qof badala: tani waa dhif iyo naadir in ay dhacdo laakiin hadii aanan la helin qof sharciyan badala Madaxweynuhu wuxuu xaq u yeelanayaa in uu xilka sii haayo ilaa amar dambe.

Waxaan dhihi karnaa, dhinaca kale waxaa jira khiyaaraat suurtagal ka dhigaaya in Farmaajo uu iska wareejiya Furaha madaxtooyda, mid ka mid ah ayaa ah in uu isku casilo barlamaanka hortiisa kulan soo socda,waxaa jira warar aan la xaqiijin oo arintaasi taageeraya.

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...