CAYAARAHAMessi Oo Go'aan Kadis Ah Qaatay..Waji Gabaxii Barcelona Ka...

Messi Oo Go’aan Kadis Ah Qaatay..Waji Gabaxii Barcelona Ka Dib

-

Warbaahinta Isbaanish ah ayaa qoraalo ka qoray go’aan ka tagis ah oo uu xiddiga reer Argentina ka qaatay kooxda Barcelona.


XAQIIQO NEWS-CIYAARAHA

Sida ay ka dhawaajisay idaacadda “Cadena Kobe” radio, Messi ayaa iskaga tagaya kooxda Barcelona, ka dib guuldarradii waji gabax aheyd ee kooxda ay kala kulantay dhigeeda Bayern munich ciyaartii afar dhamaadka ee Champions League-ka.

Idaacadda ayaa sheegtay in Messi uu ka war sugaayo falcelinta maamulka kooxda, ka dib markii kooxda ay ka hartay xilli ciyaareedkan cimaamad la’aan.

Messi ayaa dhowraaya in kooxda lagu sameeyo “dib u habeyn””, madaama uu ka xanaaqsanyahay xaaladda kooxda ee xilligan, oo ay isku raaceen guuldarrooyin badan, laga soo bilaabo guuldarradii kooxda ay kala kulantay Roma, waxaa u raacday tii Liverpool, ugu dambeyn guuldarradii dullinimada aheyd ee kooxda ay kala kulantay Bayern Munich, oo Barcelona looga adkaaday 2-8.

Idaacadda ayaa sheegtay heshiiska Messi uu kooxda Barcelona kula joogo in uu ku egyahay 2021, isagoo sanadkaasi ka dib kooxda uga tagi kara beeca xorta ah.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...