Dowladda tuunis ayaa u diyaar garoweysa in ay mamnuucdo meherka la bixiyo xilliga guurka, waxaana arintaasi ay ku micneysay in guurka loo fududeeyo muwaadiniinta is guursanaya.
Haweneey lagu magacaabo Bushra Bilhaj Xamiida oo ka mid ah dadka u dooda sinaanta iyo xaquuqda shaqsiga ayaa sheegtay in gudigooda ay diyaarinayaan in bisha soo socoto ee Feberaayo 20-keeda barlmaanka la horkrryo kiiskan.
Bushra yaa intaasi ku dartay in isla qanuunkan in uu dhigaayo in lamaanaha ay ka doodi doonaan magaca uu qaadan doono qoyska ma kan Hooyada mise Aaabaha sidoo kalana qanuunka ayaa dhigaya in meesha laga saaro oo la joojiyo bixinta Meherka ee xilliga guurka.