Qisadii Jaceyl ee Dhaxmareysay madaxda Soomaalida Iyo Keating waxa ay soo gaartay gagabo, inkastoo wili “Jaceylka” uusan dhamaan, hase ahaate waayaha ayaa sheekada ku soo dhameeyey “dhamaad aan wanaagsaneyn”
Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha.
Ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyey, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhaganaa xiriirka “Heerka sare ah” ee uu lahaa Micheal Keating, waana kanaa maanta Farmaajo oo isku diyaarinaayo in uu iska iloowo sheekadii jaceyl ee kala dhaxeysay Keating.
Keating ayaa la soo noolaaday dhibaatooyin dhowr ah, waxaana ugu waaweyn madax wareerkii uu ka qaaday is qab-qabsigii madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, hadiise Kaating wax laga weydiiyo khibradiisii Maamul goboleedyada waxey ila tahay in Jubbland uu ku sifeyn lahaa “Kuuriyada Waqooyi-ga Soomaaliya”.
Micheal Keating waxa uu ahaa “Qaswade” sida ay ku tilmaameen Soomaalida tuwiter-ka oo baalasha ka rifay ergeykan waqtigiisa sii dhamaanaya, waxaana dadka qaarkiis ay ku baaqeen in la soo xiro Keating.
“Ninkani waxa uu u socdaa UK waxa uuna la shaqeyn doonaa Uk waxaa uuna u muuqdaa in uu u shaqeeynaayo sidii UK ay la rabtay waddankan, oo ah wadan qeybsan iyo dowlad laciif ah oo fadhisa Muqdisho” ayuu tuwiterkiisa ku soo qoray aqoonyahan Abdi Wahab Sheikh Abdi Samad oo ka tirsan “Southlink Consultant”.
Micheal Keating ayaa lagu wadaa in uu ka tago xafiiska bisha November ee isla sanadkan 2018, Hase yeeshee baraaruga Soomalida oo gaarsiisan “heer fiican” ayaa waxa ay Keating iyo saaxbadiisa ku qasbi doontaa in ay ka fikriraan wax xigga ee lagu soo jiidan karo Soomaalida, inkastoo Soomalida ay ku leeyihiin luuqad mideysan “Ma rabno fara gelin shisheeye”,balse arinkani ayaa ah xujo hortaal madaxda Soomaalida in ay doortaan raali gelinta shacabka ama in ay la saftaan saaxbidooda beesha caalamka si markale Un-ka u soo magacaabaan Nicholas Key-gii Seddexaad.