Mid Ka Mid Ahaa Ilaalada Axmed Madoobe Oo Gorgor Ku Biiray!

La Wadaag Asxaabtaada

Irshaad Cabdulaahi Maxamed waa askari ka tirsan ciidanka kumaandooska gaarka ah ee Gorgor, Irshaad oo ciidanka Jubbaland ka mid ahaa ayaa mar soo noqday ilaalada Axmed Madoobe.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Cali Jubba oo ah garabka Jubbaland ee Df-ka ku biiray ayaa boggiisa Facebook ku baahiyey sheekada askari ka soo mid ahaan jiray ilaalada madaxtooyada Jubbaland kaasi oo ugu dambeyn ka mid noqday Gorgor.

Irshaad oo ka mid ah dhalinta ka soo jeeda gobolka Gedo, ayaa ka mid ahaa ciidamo beeleed taabacsanaa hogaamiye ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, intii Kismaayo uu ku sugna Irshaad waxa uu qeyb ka ahaa ilaalada madaxtooyada Jubbaland.

Sidoo kale Aqri: Ilaalada Axmed Madoobe Oo Saalatul Khowf Tukanaya!!

Ka dib daruufo adag oo iskugu jira mushaar la’aan iyo cadaadis joogto ah Irshaad ayaa ka soo goostay ciidanka Jubbaland, waxa uuna nasiib u yeeshay in uu ka mid noqdo ciidamadii Turkiga loo qaaday.

Maalin ka hor inta uusan Muqdisho imaanin Axmed Madoobe, Irshaad Maxamed, ayaa ka mid ahaa ciidamadii Gorgor ee laga soo dajiyey magaalada Muqdisho.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada