Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

-

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo uu leeyahay khudradda macaan ee mooska inkastoo halistu ay tahay mid aad u yar.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Waxa ay baarayaashan sheegeen in mooska uu ka ka kooban yahay Botaasiyamka caadiga ah kaasi oo aan wax dhib ah laheyn, sidoo kale mooska ayaa ka kooban Botaasiyam-40 oo ah il uu ka soo baxo shucaaca danabeysan kaasi oo dhib u keeni kara caafimaadka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee “Novosti”

Sidaasi oo ay tahay kamiyadda maadadan ee mooska ku jirta waa mid aad u yar.

Saynisyahanada waxa ay leeyihiin shucaaca laga heli karo cunitaankii xabad moos ah waxa uu noqonayaa qiyaastii 0.0778 microsieverts oo ah cabirka shucaaca danbeysan.

Sida uu oqraayo Webseetka “Science focus”, dadka waaweyn waxa ay leeyihiin qiyaastii 140 gram oo Botaasiyam ah, 16 Miligram oo ka mid ahna waa Botaasiyam-40, taasi oo qofka ka dhigeysa in uu 280 mar ka shucaac badan yahay xabadka mooska ah.

In aad moos cunto waxa ay 0.4 boqolkiiba kor u qaadeysaa Botaasiyam-40-ka jirkaaga inkastoo arintaasi ay tahay ku meel gaar madaama dheef-shiidka kimikooyinka uu dib u nidaaminaayo jirkeena, waxaana qashin saar ahaan jirka looga saaraya dibadda saacado gudahood.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...