Mudane Madaxweynayaal !!

La Wadaag Asxaabtaada

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa amar qasab ah la dul dhigtay hogaamiyaasha maamul goboleedyada kuwaasi oo lagu qasbay in aysan Xamar ka bixi karin inta ay ka heshiinayaan.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Qoraalka ka soo baxay safaaradda Mareykanka oo adeegsadanaya “lahjadda amarka”, ayaa ku wargeliyey hogaamiyaash maamul goboleedyada in dadka Soomaaliyeed ayaa doonayaan doorasho dhacda waqtiga hadda la taagan yahay.

Hadalkan oo guud ahaan ka aradna luuqadda diblomaasiyadda ayaa gabi ahaanba xoriyadda ka xayuubiyey hogaamiyaasha maamul goboleedyada.

Sidoo kale Aqri: Heshiiskii Decale..Maxaa Xiggi Kara?

Qoraalka ayaa lagu yiri “Failure is not option (Heshiisku waa qasab), taasi oo ka dhigan in madaxda ay saxiix doonaan heshiis la soo diyaariyey.

Dadka adeegsanaya baraha bulshada ayaa durba bilaabay hashtag ka dhan ah hogaamiyaasha maamul goboleedyada gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland waxaana baraha bulshada lagu baahiyey hashtag ah #Free Deni iyo Axmed Madoobe.

Waxaa xusid mudan qoraalka Mareykanka marnaba ma adeegsan kalmadda Madaxweyne ama hogaamiya, waxaana hogaamiyaasha loogu yeeray oo kaliya magacyadooda ay ku soo galaan ciwaanadooda Tuwiterka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada