Waxaa jirta dood xoog leh oo ku saabsan qorsho “muddo kordhin ah” oo ay la filaayo in xildhibaanada u sameeya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Isaga oo la hadlaayey Tilifishinka Universal Tv ayuu Jeesow xusay in aan meesha laga saari karin “ajandaha muddo kordhinta”.
“Haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan oo ay yiraahdaan ajandaha ha-lagu daro waa la arkaa. Haddii ajandaha lagu keeno waa laga doodaa” Ayuu yiri Jeesow.
Xildhibaan Daahir Oo Hadalka sii wata ayaa yiri ” marka hore ajandaha mooshin waaye, mooshinka ayaana qaadanayo in la diiwaan-geliyo, laga doodo, kadibna cod loo qaado,”.
Hadka Jeesow ayaa imaanaya iyada oo kulankii hore u baaqday fowdo ay sameeyeen xildhibaano aad uga soo horjeeday in muddo kordhin loo sameeyo Farmaajo.
Guddoonka Barlamaanka oo iyagana ka jawaabay fowdadii Barlmaanka ayaa soo saaray liiska 15 xildhibaan looga mamnuucay kulamada soo socda ee Baarlamaanka kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay ahaayeen kuwii fowdada sameeyey.