Mufakir Masaari Ah oo Aflgaadeeyey Saxaabada iyo Imaam-Bukhaari !

-

Mufakirka reer Masar Axmed Cabdi Maahir ayaa soo celiyey doodihiisii Muranka badnaa ka dib markii uu ku jeesjeesay Saxaabada Rasuulka SCW.


Xaqiiqonews-

Markani-ka dib markii uu wax ka sheegay Kitaabka Bukhaari- ,Maahir ayaa duraya Saxaabada Rasuulka isaga oo sheegay in ay debagediyeen Islaamka geeridii nabiga ka dib.

Maahir ayaa Tuwiter-ka ku qoray “waxba yaanan la eedeynin Islaamka aan waxba galabsan, Saaxabada ayaa ahaa kuwii cayn jiray, ban’aadamkana ku iibin jiray suuqyada ka hor intii aysanba xukunka qabsan Reer Banii Umiya”.

Sidoo Kale Aqriso: Aqoonyahanad-imaarat-ah-oo-shaki-gelisay-qiyaamha!

Waxa uu sii waday hadaladiisa xanafta lahaa ee carrada badan dhalin jiray isaga oo yiri “Dhiiga bani’aadamka ayaa sida biyaha loo qubi jiray ka hor reer banii umiya, ii aamina saxaabada Islaamka ayey rogeen islamarkii uu Nabigaba geeriyooday”.

Axmed Cabdi Maahir ayaa sii waday wax ka sheegisii Sunada Rasuulka SCW isaga oo yiri “Nabiga waxaa loo soo diray in uu dhameystiro akhlaaqda wanaagsan, haddaba ma in dumarka la caayo ayaa ah akhlaaq” isagoo sii daba dhigay “sidaasi saxaabada ayaa sameeyey”.

Bishii May ee la soo dhaafay Axmed Cabdi Maahir ayaa duray Kitaabka ugu saxsan ka dib Qur;aanka Kariim oo ah kitaabka “saxiixul-Bukhaari” ilaa uu gaaray heer Imam Bukhaari uu ku tilmaamay beenaale jaahil oo ka beensheegaya Rasuulka.

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...