Mugabe Dhintaye..5 Murti Oo Lagu Xasuusan Doono

-

Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ku dhintay Singapore maalinta Jimcada 8 Sep, ka dib xanuun aan la shaacin.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Dhimashadiisa waxa ay shook ka dhax abuurtay baraha Bulshada, dad tiro badan ayaa baraha bulshada ku faafiyey sawiradiisa iyaga oo u baroor diiqay nin ay ugu yeereen “hogaamiye Weyn”

In uu ahaa Nin caan ah waxaa u dheereyd sidoo kale in uu qaaran badan ku lahaa hadallo badan oo murti ah kuwaasi oo kumaan jeer la isku dhax faafiyey goobaha bulshada kuwada xariirto

Sidoo Kale Aqri: Mahmat Gaandhi Muxuu Ka Yiri Bajaaleyda Muqdisho?

Qeybta hoose waxaa ku qoran shan murti oo ka mid ah hadaladii xigmadda badnaa ee Mugabe uu ka tagay

“Sidee ugu qancin kartaa jiilka soo socda “in waxbrashadu ay tahay furaha guusha” madaama indhahooda ay qabanayaan dad soo qalinjebiyey oo faqiir ah xilli dambiilayaashana ay yihiin hantiilayaal. “

“Hadii Madaxweyne Obaama uu rabo in Dalkeyga uu ka hirgeliyo dadka Isku-jinsiga ee isku galmaado, ugu horreyn ha ogaado in anigu aan aroosaayo isaga.”

“Hadii aad tahay nin xaas leh islamarkaana aad is aragtay adiga oo ka hela gabdhaha iskooleyda ah, xalku waxaa uu ku jiraa in aad xaaskaaga u soo iibiso yunifoomka iskoolka.”

“Malaayiin dad ah ayaa Cilmiga Kimistiri ka barta jaamacadaha Gaarka loo leeyahay ee Nigeria, mana jir ilaa hadda qof iyaga ka mid ah oo soo hindisay wax fikrad, xitaa ha noqoto masasax saliid! “

Waxaan ahay Hitler-ka waqtiga, Hitler waxa uu lahaa hal u jeedo oo kaliya taasi oo aheyd in uu cadaalad u helo dadkiisa, dadkiisana ay ka sara maraan dadka kale, in dadkiisa ay helaan madax-banaani, hadii uu sidaasi ahaa Hitler ii ogolow in aan aniguna noqdo Hitler oo toban jibbaaran.”

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...