Muqdisho..Mid Ka Mid ah Magaalooyinka Ugu Dad Badan Afrika..Arag Tirokoobkan

-

Marka la joogo Afrika Magaalada Lagos ee Nayjeeriya ayaa ku hogaamineysa xagga dadbadnaashaha 21 milyan..Haddaba ka Waran Muqdisho? Ma is leedahay waxa ay ka mid noqon kartaa 10ka Magaalo ee Afrika ugu dadka badan? aan fiirino.


Xaqiiqonews-Wararka

Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, Waa magaalada ugu weyn Soomaaliya, waxaa lagu sheegay in ay ku noolyihiin magaalada dad lagu qiyaasay 6 Milyan oo qof.

Magaalada Lagos ee Naijeria waxa ay noqotay Magaalada ugu dad badan Afrika waxaa ku nool 21 Milyan, Qaahira ayaa ku xigta waxa ay iyaduna hoy u tahay 20.4 Milyan oo qof.

Kinshasa Caasimadda JD Kongo ayaa xajisatay booska seddexaad, wxaana ku nool 13.3 Milyan, Magaalada Luanda ee Angola iyo magaalada Nayroobi ee Kenya ayaa Muqdisho kaga horumaray si dirqi ah, madaama labaduba shacabkooda lagu qiyaasay 6.5 Milyan oo qofood..

Muqdisho ayaa iyadu noqtay magaalada Lixaad ee Afrika ugu dadka badan, iyadoo hoy siisey dad lagu qiyaasay 6 Milyan oo qof.

Magaalada Abdijan ee Dalka Ivory Cost,magaalada Alexandaria ee Masar, Caasimadda Itoobiya ee Adisababa iyo Magaalada Johannesburg ee Koonfurka Afrika ayaa iyagana ka mid noqday 10-ka magaalo ee Afrika ugu dadka badan, iyagoo hoy u noqday Min 4 Milyan oo qofood.

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...