MUQDISHO: Sawirro Gabdho Timaha iyo Dharka is fiiqay dagaal xun Suuq dhaxdiisa Wiil dartiis.

Waxaa dood xun ay shalay dhax qarraxday labo gabdhood oo saaxibo ah magaalada muqdisho gaar ahaan degmada xmar weyne.
war hoose oo la soo gaarsiiyey shabakadda baahisa wararka qarsoon ee xaqiiqonews ayaa tilmaamaya in dooda labada gabdhood ay ku saabsaneed wiil ay mid waliba sheegtay in iyadu ay saaxib la aheyd iyadoo mid ah ka mid ah ay aragtay saxibkeed oo la socdo gabar iyad saaxib la aheyd waxaana halkaasi ka bilowday dagaal iyo qeylo.
waxaa goobta ka baxsaday wiilka dartiis la isku dagaalay ka dib marii uu argay xaaladda murugsan ee labada gabdhood iyo dadweyne fara badan oo isku gadaamay goobta waxa uuna durbadiiba ku baxsaday baabuur yar oo uu watay sida xaqiiqonews ay u sheegaan dad goobta wax ka dhaceen joogay.
“gabdhaha ayaa gacanta isla galay waxa ayna mid waliba ku qeylineysay adiga ayaa iga dulqaaday aniga ayuu saaxib ila yahay ” ayuu yiri goob jooge xaqiiqonews warka u so gudbiyey.
Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa ku soo xoomay dadweyne aad u farabadan oo isku dayey in ay gabdhaha kala celiyaan taasi oo keentay in wadadii ay xiranto waxaana daqiiqado gooban xirnaa wadada Via ROma ee xamar weyne galabnimadii isniinta ee la soo dhaafay.


FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA