Muqtariciintii Muslimiinta ahaa Ee Dunida Wax Ka badlay #Qaab kooban

La Wadaag Asxaabtaada

“Ka soo biloow ghahwada(Coffee) ilaa Jeega bankiyada iyo  seddex waqti in  wax la cuno maalintii, dunida muslimka ah waxaan ka helnay waxyaabo badan oo hal abuur ah oo aan isticmaalno noolasheena maalin laha ah, iyadoo dhawaan la furi doono xarun lagu soo bandhigo Dhaqamadii muslimiinta, ayaa Paul Vallely  waxaa uu warbixintan ku faafaahin doonaa 20-kii qof ee ugu saameynta badnaa uguna caqliga badnaa ee dunida muslimka”

Hadalada kore ayaa waxaa hordhac looga dhigay warbixin lagu daabacay “The Indipendent” oo uu qoray  Paul Vallely, sanadkii 2006-dii. muslimiin badan ayey warbxintaasi amaan ka heshay, halka warbxinta ay kala kulantay dhaleeceyn dadyowga ka soo horjeeda islaamka.

Hadaba aqriste Shabakadda Xaqiiqonews waxa ay AF-soommaali u tarjuntay qaeyb ka mid ahQoraalkii  Paul Vallely oo kooban, waxaana maanta aan ka soo qaadan doonaa ilaa shan hal abuur oo aan isticmaalno ayna soo hindiseen muslimiin, innagoo rajeynayna in bulshada soomaaliyeed ay ka faa,ideysan doonaan Taariikhda la qariyey ee warbixinta ka buuxda.

1.Taariikhda waxa ay u noqoneysaa markii nin carbeed oo la dhihi  jiray Khalid, uu riyihiisa ku daajinaayey goob ku taalla koonfurta Ethiopia oo lagu magacaabo Kaffa, ayaa waxaa uu ogaaday in riyaha ay firfircoonaanayaan marka ay daaqaan geedka lagu magacaabo Berry “geedka ghahwada laga sameeyo”, waxaa uu karkariyey geedkii waxaana u sameysmay Coffe-kii ugu horeeyey, muddo ka dib oo ku beegan qarnigii 15-aad waxaa coffe-kii loo iib keeyey Makka iyo Turkiga 1645-kii, muudo yar ka dib oo ah 1650-kii waxaa la geeyey England waxaana halkaasi dugaan Coffe-ga lagu iibiya ka furtay nin Turki ahaa oo lagu magacaabayey  Pasqua Rosee waxaana dugaanka laga furay  wadada Lombard Street, ee Caasimadda London.

2. Greek-kii hore waxa ay aaminsanaayeen in indhaheena ay bixiyaan falaaro aragti ah, sida Laser-ka oo kale, waxeyna dhihi  jireen indhaha ayaan wax ku aragnaa, hadaba qofkii ugu horeeyey ee ogaada in Iftiinka uu galo  indhaha, indhahana ay reflection wax ku arkaan, waxaa uu ahaa Ibnu- Al Haitham oo ahaa fisikis yahan, xisaab yahan ahaana cirbixiyeen muslim ah, qarnigii 10-aad ayuuna soo hindisay nidaamka iftiinka Kaamirada ee loo yaqaan (pin hole camera) ka dib marii uu darsay qaabka iftiinka u shaqeeyo.

Wuxuu ogaaday in mar kaste oo la sii yareeyo godka kaamirada in sawirka soo baxaayo uu sii wanaagsanaanaayo, shaqo badan ka dib waxa uu soo iqtiraacay Kaamirada loo yaqaan “Camera Obscura “  waxaa uuna magaca kaamirada ka keenay kalimadda carabiga ah ee Qamara oo ah(mugdi ama qol gaar ah) waxaa uuna ku sharfanyahay in uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee fisikis-ka ka badalo falsafad una badalo tijaabooyin ( from a philosophical activity to an experimental one.)

3. Game-ka loo yaqaan Chess waxaa laga ciyaari jiray hindiya waqtiyo hore, balse ciyaarta waxaa horumariyey qaabka uu hadda yahay Faarisiintii muslimiinta ahaa, waxaana ciyaarta loo sii gudbiyey qarnigii 10-aad wadamada Europe

4. kun sano ka hor  suugaan yahan muslim ah ahna musician cirbixiyeen ah, laguna ,magacaabi jiray Cabaas ibnu firnas ayaa isku dayey in uu sameeyo qalab biibaaya(diyaarad).

850-kii waxaa uu ka soo biibay manaaradda masaajidka Grand Mosque, ee ku yaalla Qordaba Caasimadii Andulus ee muslimiinta waxaa uu isku dayey in uu u biibo sida shimbir oo kale, isku daykiisa koowaad waxaa ka soo gaaray dhaawacyo yar.

Markale isaga oo jira da,da 70-ka sano, waxaa isku xirixay baalasha gorgor,waxa uu sameeyey isku day labaad, waxaa uu ka soo booday buur, waxaa uuna u biibay si heersare ah muddo 10 daqiiqo ah,waliba joog sare,ka dibna dhulka ayuu ku soo dhacay, sababta dhicitaankiisa ayaa lagu sheegay in qalabkiisa uusan u sameynin Sayn “Tail”. waxaana ninkani lagu naaneysi jiray “Aabaha Qalabka Biiba” Hadda waxaa uu loogu magac daray garoonka Caalamiga ee diyaaradaha ee ku yaalla Baghdaad.

5. Aragtida “Distillation” oo ah in dareerayaasha loo kala saaro hadba heerka ay ku karkaraan, ayaa waxaa soo iqtiraacay saynisyahankii muslimka ahaa Jabir ibn Hayaan, sanadkii 800-kii, waxaana lagu naaneysaa aabihii Chemistr-ga casriga ah.

Wuxuuna ahaa  saynisyahankii  keenay in la ogaada nidaamyada chemestri-ga ee kala ah (liquefaction, crystallisation, distillation, purification, oxidisation, evaporation and filtration.)

ugu Dambeyn waxaan ka cudur daaraneynaa in aan soo koobi karin faafaahinada ku qoran warbxinta Paul Vallely, oo runtii ah mid aad u dheer waxaana Paul Vallely uu soo qaadanayaa ilaa labaatan iqtiraac balse waxaan ku soo gaabsanay shantan qodob.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada