Muranka Badda Somalia iyo Kenya oo Ku Kala Nastay 3 iyo 0…Waa tan Faafaahinta

La Wadaag Asxaabtaada

Dalka Gaboobay ee Soomaaliya ayaa guuleystay ilaa hadda, marka ay timaato murunka badda ee kala dhaxeysa Kenya, natiijudana waa 3 iyo 0 oo guusha ay ku raacday Soomaaliya.

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Maxakamadda ICJ

Dhamaan caddeymaha maxakmadda horyaalla iyo baaritaanada socdo ayaa sheegaya in goobta Muranka uu ka taagan yahay ay soomaaliya leedahahay, arintaasi oo madax xanuun ku ah Kenya, oo durbaba bilowday olole lagu baajinaayo go’aanka Maxakamadda.

Mowqfika Aduunka

Qaar ka mid ah ururada caalimga ayaa horay xaqiijiey Mowqifkoodu ku aadan muranka taagan.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo saaray go’aan ay ku cambaareeyeen Kenya oo ay ku tilmaameen in ay faragelin ku heyso badda Soomaaliya.

Sidoo Kale Aqriso : kenya-waa-in-ay-calanka-cad-kor-u-taagtaa

Gooni isku taaga NFD

Muranka Kenya kala dhaxeeysa Soomaaliya, ayaa dhanka kale waxa uu keenay kala qeybsanaan baahsan oo u dhaxeysa Kenyanka iyo Soomaalida Ku hoos nool Kenya.

Urur xoreynta NFD ayaa murankan taagan u arka jaanis ka saacido karo in ay helaan riyadooda soo jireenka aheyd ee ay ku doonayeen in ay kaga go’aan Kenya inteeda kale.

Hadii Kenya ay dib uga laaban weyso go’aankeeda ku aadan sheegashada badda Soomaaliya, arintu waxa ay noqon doontaa tusbax furmay, waxaana la sugayaa guulo badan oo ay soomaaliya gaarto.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada