Muuqaal: Abeeso Labo Madax Iyo Laba Wadno Leh Oo Ka Yaabsatay Saynisyahanada

La Wadaag Asxaabtaada

Abeeso yar oo dhalan muddo laba wiig ah kuna dhalatay Mareykanka, ayaa noqatay mid wareerisay saynisyahanada.

kooxda abeesooyinka xanaaneeya ee “Snake growers” ayaa abeesada ula cararay dhakhtarka xoolaha, halkaas oo lagu saaray Raajato, taas oo muujisay in abeesadu ay sidoo kale leedahay laba qalbi(wadno) taas oo ka yaabisay dhakhtradda xoolaha iyo asxaabteeda.

“Tani waxay xaqiijineysaa in abeesadani tahay mataano wadaagaya  hal jir waana mid cajiib ah,” ayey tiri Loren Telin.

dhaqataraddan ayaa sii raacisay “waxan rabaa in an sii wada baartitaanka abeesadan, si aan u ogaano inay leedahay laba qalab oo dheefshiid ah , iyo haddii ay soo baxdo in ay leedahay hal qalab(dheefshiid), waxay u badan tahay inay  dhiman doonto si dhaqso ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada